Mugadisho,(insdesomalia.org)-Iyadoo ey wali howlihii casilaada xilalka ay si xowli ah u socdaan ayaa waxaa maanta sidoo kale xilkii ay hayeen laga xayuubiyay saaraakiil ka tirsan Ciidamada Boliska, kuwaasoo qaarkood baryahan danbe lagu eedeynayay in ay lug ku leeyihiin falal an wanaagsneyn.
Saraakiishan la casilay maanta oo tiradooda lagu sheegay 4 ilaa 5 sarkaan ayaa waxaa u horeeyay tiyaha qeybta booliiska gobolka Shabelaha hoose Cali Aadan (Cali Ganeey) oo isagu la sheegay in uu xiriir la leeyahay kooxaha Dowladda kasoo horjeeda iyo ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax.
Wareegtadan lagu casilay saraakiishan ayaa waxa ey kasoo baxday xafiiska taliyaha Ciidamada Boliska Somaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Raggan la casilay qaarkood ayaa dalka dibadda uga maqan, waxaana qaar kalena ey sheegeen in ey horayba isaga casileen xilalka iminka laga xayuubiyay.